Madaxweynaha Galmudug oo ku dhaawaqay in loo midoobo la dagaalanka Alshabaab

Madaxweynaha Galmudug oo ku dhaawaqay in loo midoobo la dagaalanka Alshabaab

Madaxweynaha Dowlad goboleedka galmudug Axmed Cabdi Kaariye( Qoor Qoor) ayaa sheegay in Maamulka Galmudug uusan aqbali doono colaad iyo khalalaaso ka dhaca degaannada Galmudug.

Waxaa uu sheegay in dadka Reer Galmudug lagu xanto inay degaannadooda ka jiraan Colaad, balse Madaxda Galmudug ay diyaar u tahay inay ka hortagto waxkasta oo keeni kara Colaadaha.

Madaxweyne qoor Qoor oo hadal ka jeedinayay Munaasabad Jaamac lagu furayay oo ka dhacday guriceel ayaa sheegay in Galmudug ay ka hortegi doonto waxkasta oo dib u dhigi kara horumarada Galmudug sida weerarada ay geystaan Ururka Al-Shabaab.

Hadalka Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye( Qoor Qoor) ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xilli maalmihii la soo dhaafay Xubno ka tirsan Al-Shabaab ay dhaq dhaqaaqyo Ciidan ka wadeen degaano ku yaalla duleedka Caasimadda Galmudug ee magaalada Dhuusamareeb.

Diwaanka wararka
Warbaahinta Daljir

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com