Madaxweynaha Dowladda Galmudug mudane Axmed Cabdi Kaariye ‘Qoorqoor’ ayaa soo dhaweeyay doorashada Guddoonka Degmada Gaalkacyo.

Madaxweynaha Dowladda Galmudug mudane Axmed Cabdi Kaariye ayaa soo dhaweeyay doorashooyinkii Golaha deegaanka iyo Guddoonka Degmada Gaalkacyo oo maalmihii danbe si isdaba joog ah uga dhacay Degmada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug.

“Reer Galkacyo waa ku mahadyihiin sida hufnaanta, daahfurnaanta iyo dimoqraadiyadda leh oo ay uga qeyb qaateen dhismaha golaha deegaanka & doorashada guddoonka degmada. Waxaan rajeynayaa in degmooyinka kale ku dayan doonan Gaalkacyo” ayuu yiri Madaxweyne Md. Qoorqoor.

Madaxweynaha ayaa hambalyo u diray guddoomiyaha iyo guddoomiye ku-xigeenka Degmada Gaalkacyo oo ku guuleystay doorashadii maanta oo u dhacday si xor iyo xalaal ah.

Madaxweynaha ayaa ku ammaanay wasaaradda Arrimaha Gudaha, federaalka iyo Dib uheshiisiinta oo suura gelisay dhismaha golaha deegaanka iyo doorashada guddoonka Galkacyo. Dhinaca kale madaxweynaha ayaa ku dhiirogeliyay wasaaradda in ay dardar-geliso dhismaha golayaasha deegaanka dhamaan degmooyinka Galmudug ee dhiman.

Diwaanka wararka
Warbaahinta Daljir

Leave a comment

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com