Madaxweynaha Galmudug oo ka digay inuu fashilmo shirki dhuusamareeb

Madaxweynaha Galmudug oo ka digay inuu fashilmo shirki dhuusamareeb

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye ( Qoor Qoor ) oo ku sugan dalka turkiga ayaa uga mahad celiyay Bulshada Galmudug gaar ahaan kuwa Magaalada dhuusamareeb sida ay u soo dhaweeyeen Wufuudii kala duwaneyd ee ka qeyb-gashay Shirkii ka dhacay Magaaladaas.

“Waxaan u mahad celinayaa Reer Galmudug, gaar ahaan bulshada Caasimada ee wax ka yar laba maalmood ku marti qaaday wufuuda faderaalka oo ka badnaa kun qofood, iyadoo magaaladu aysan laheyn guriyo waaweyn iyo Hoteelo,waxaana rajeynayaa in shirka kale ay doorkooda qaataan ayuu yiri” Madaxweyne Qoor Qoor.

Sidoo kale Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor ayaa dalbaday in laga fogaado wax kasta oo lagu fashilin karo Shirka Magaalada Dhuusamareeb ee la filayo in uu dhex-maro Madaxda Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya iyo Dowlad Goboleedyada dalka kajira.

Diwaanka wararka
Radio Daljir

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com