Madaxweynaha Galmudug oo isku Shaandheyn ku sameeyay Golihiisa Wasiirada

Madaxweynaha Galmudug oo isku Shaandheyn ku sameeyay Golihiisa Wasiirada

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye ( Qoor Qoor) ayaa Caawa isku shaandheyn xoogan waxaa uu ku sameeyay golihiisa Wasiirada, isaga oo sidoo kale Magacaabay Wasiiro cusub.

Wareegto kasoo baxday Xafiiska Madaxweynaha Galmudug ayaa waxaa lagu Magacaabay Wasiirro, Wasiiru-Dowlayaal iyo Wasiir-kuxigeenno, waxaana kasoo muuqday dad horay uga tursanaa Golaha Wasiirada Galmudug iyo kuwo ku cusub.

Hoos Ka Akhriso Wareegtada kasoo baxday Xafiiska Madaxweynaha Galmudug.

Madaxweynaha Galmudug

Markuu Arkay: Qodobka 50aad Faqradiisa 5aad ee Dastuuka Dowlad Goboleedka Galmudug;

Markuu Arkay: Baahida loo qabo iskushaandheynta wasiirada;

Markuu Aarkay: Muhiimadda dhameestirka Golaha Wasiirada,

Markuu Latashaday: Madaxweyne Ku Xigeenka Dowladda Galmudug.

Wuxuu xeeriyay

Iskushaandheyn: Wasiirro, Wasiiru-Dowlayaal iyo Wasiir-kuxigeenno.

Hoos ka akhri liiska wasiirada:

Qodobka 1aad.

1.Garad Yusuf Mohamud Wasiirka Wasaaradda Kaluumaysiga iyo khayraadka Badda

2.C/llahi Maxamed Yusuf Kulmiye Wasiirka Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda

3.C/llahi Cabdiraxman Xuseen, Wasiirka Wasaaradda Xanaaanada Xoolaha

4.Muxiyadiin Cabdullahi Cusman, Wasiirka Wasaaradda Boostada iyo isgaarsiinta

5.Abshir Cabdi Shiiqow Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Hidaha iyo Dalxiiska

6.Amaal Axmed Cabdulle, Wasiirka Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta

7.C/naasir C/llahi Cusmaan, Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Cadaaladda iyo Arimaha Garsoorka

8.Cumar Maxamed Diiriye Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Arimaha Gudaha, Fedralka iyo Dib-u-heshiisiinta

9.Daahir Faarax Fiidow, Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Caafimaadka iyo Arimaha Bulshada

10.Farxiyo Cabdi Maxamed Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada

11.Eng.MaxamedCabdullahi Moxamed, Wasiir-kuxigeenka Wasaaradda Qorsheynta iyo Horumarinta Dhaqaalaha

12.Cali-baashi Axmed Cigaal,Wasiir-kuxigeenka Wasaaradda Amniga Gudah

13.C/raxiin Axmed Cigaal, Wasiir-kuxiggenka Wasaaradda bay’ada iyo Deegaanka

14.Axmed Maxamed Farax, Wasiir-kuxigeenka Wasaaradda Biyaha iyo Tamarta

15.Shariif C/nuur Barre, Wasiir-kuxiggenka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha

Mahad Sh. Cali Cibaar,Wasiir-kuxiggenka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha
17.Maxamed Khaliif Salaad,Wasiir-kuxigeenka Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Masiibooyinka

18.Khalid Cabdi Yuusuf, Wasiir-kuxigeenka Wasaaradda Howlaha Guud iyo Guriyeenta

19.C/raxmaan Maxamed Axmed Wasiir-kuxigeenka Wasaaradda Dhalinyarada iyo isboortiga

20.C/raxman Maxamuud Maxamed Wasiir-kuxigeenka Wasaaradda Dastuurka

21.Xasan Cabdullahi Maxamed, Wasiir-kuxigeenka Wasaaradda Beeraha, Dhirta iyo Daaqa

22.Nuur Cali Cadow, Wasiir-kuxigeenka Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta

23.Xamdi Axmed Siciid, Wasiir-kuxigeenka Wasaaradda Haweenka iyo Xuquuqul insaanka

24.C/nasir Axmed Cilmi,Wasiir-kuxigeenka Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda

25.Xuseen Xirsi Faarax, Wasiir-kuxigeenka Wasaaradda Warfaafinta, Hidaha iyo Dalxiiska

26.C/rixiin Axmed Bariise, Wasiir-kuxigeenka Wasaaradda Owqaafta iyo Arimaha Diinta

Qodobka 2aad.

Xeerkaan wuxuu dhaqan galayaa markuu saxiixo Madaxweynaha Dowladda Galmudug, Wuuna Saxiixay.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com