Madaxweynaha Galmudug oo dhusamareeb dib ugu laabtay

Madaxweynaha Galmudug oo dhusamareeb dib ugu laabtay

Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Qoor-qoor ayaa dib ugu laabtay maanta magaalada Dhuusamareeb ee xarunta maamulka Galmudug kadib markii muddo 40 casho ah oo uu safar ugaga maqnaa deegaano ka mid ah gobolka Galgaduud iyo Mudug.

Booqashadan ayaa lagu sheegay inuu ahaamid nabadeed,Wada tashiga iyo Xog ogaal u noqoshada Deeganada Galmudug.

Magaalada Dhuusamareeb ee xarunta dowlad goboleedka Galmudug ayaa lagu wadaa in 9ka bishan lagu qabto kulan ay isugu imanayaan madaxda dowlad goboleedyada dalka.

Diyaargarowga kulankan ayaa laga dareemayaa magaalada Dhuusamareeb iyadoo ammaanka aad loo adkeeyay.

Diwaanka wararka
Radio Daljir

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com