Madaxweynaha FIFA oo Sharaxay sababta uu isu Casilay

Axad, Juun 07, 2015 (Daljir) — Sepp Blatter ayaa sheegay sababta uu isaga casilay xilka madaxtinimada ee xiriirka kubada cagta aduunka ee Fifa isagoo shegay inuu isku casliyay kaliya inuu doonaya samaha iyo wanaag kubada cagta iyo inuu ilaliyo sharafta hey’ada FIFA.

79 sano jirkaan ayaa doorashadii ugu danbeysa ee madaxtinimada FIFA ku garaacay amiirka carbeed ee Prince Ali-ga Jordan isagoo markaas xaqiijistay ku guuleysiga madaxtinimada FIFA markiisi shanaad, laakin arimo badan oo la xiriira musq musuq, wax isdaba marin iyo xiritaan loo geytsay qaar kamid ah madaxdi FIFA ay soo dadajisay inuu si casilo Blatter

Saraakiil mareykan ayaa xirxiray qaar kamid ah kaaliyeyaashi Blatter waxayna sheegeen iney baaritaano ku hayaan qaar kale oo ka tirsn madaxada xiriirka iyadoo la sheegayo in Blatter qudhiisu ay baaritaano ku socdaan kuwaaos ku aadan qaabka uu u maamulay xulkii marti galin lahaa koobabka aduunka ee 2018 iyo 2022

Hadaba Blatter ayaa maanta u sheegay jariirada Bild am Sonntag ee kasoo baxda Germany “Waxaan ku deeqay in xafiiska madaxtnimada ee FIFA uu cadaadiska ka yaraado, kaliya waxaan daneynayaa inaan ilaaliyo magaca iyo qanuunka u dagsan FIFA, waxaan doonayaa golaha guud ee xiriirka ay dib u habeyn iyo isku shaandheyn sameeyaan oo ay soo doortaan madaxweynaha xiga ee aniga i badali doona” ”

Qaar kamid ah dad ugu caansan kubada cagta caalamka ayaa soo dhaweeyay iscasilaada Blatter waxaana kamid ah madaxweynaha Uefa Michel Platini iyo xidigiin hore ee Portugal Luis Figo kaasoo isagu hore isugu soo sharaxay xilka madaxtinimada FIFA ka hor inta uusan isaga bixin xili danbe doorashada.

 

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com