Madaxweynaha federaalka oo ganacsatada ugu baaqay Gargaarka danyarta wakhtiga ramadaanka.

Muqdisho, July 07- 2013 – Madaxweynaha Dowlada Federaalka ah ee Soomaaliya Xasan sheikh? Maxamuud ayaa ganacsatada Soomaaliyeed ku booriyey in ay gacan weyn ka geystaan u gargaarida shacabka, xili maalmaha fooda inagu soo hayo la filayo bilashada Ramadaan.

Wuxuu sheegay Xasan sheikh Maxamuud in ganacsatadu tahay laf ?dhabarka koowaad ee bulshada, isagoo ka hadlayey arimaha bisha Ramadaan wuxuu sheegay in loo baahan yahay in gargaar la gaarsiiyo shacabka danyarka ah ee ku sugan gudaha magalooyinka waa weyn.

? Magaalo kasta waa jooga dad dan yar ah oo soo barakacay, waxaa loo baahan yahay in aad gacan ka geysataan in dadkaasi wax loo helo Bisha Ramadaan, ha la caawiyo danyarta? ayuu yiri Madaxweyne Xasan.

Hadalka madaxweynaha wuxuu imanaya maalmo kooban xili ay ka harsan tahay wakhtii bilashada Ramadaan, madaxweynaha ayaa ganacsatada kula hadlay kulan maanta ka dhacay xaruunta magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.

Diiwaanka wararka

Radio Daljir ?

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com