Madaxweynaha Faransa: “Haddii Xaaskaygu 20 Sano iga Yaraan lahayd Laba Cali isma Weydiiseen”

Madaxweynaha Faransa: “Haddii Xaaskaygu 20 Sano iga Yaraan lahayd Laba Cali isma Weydiiseen”

Emanuel Macron, Madaxweynaha Dooran ee Faransa, ayaa nacayb iyo warxumo-tashiil ku eedeeyey la yaabka dadku la yaabanyahay in haweenayda uu qabo ay 24 sano ka yartahay da’ ahaan.

Brigitte Trogneux oo hadda ah xaaska madaxweynaha, ahna 64 sano jir, ayaa ahayd macallinkiisa suugaanta markuu ahaa wiil yar oo 15 sano jir ah. Marka Emanuel Macron oo wiil yar ahi uu jeclaanayo gabadha Brigitte, markaas Brigitte waa la qabay, waxayna dhashay 3 carruur ah. Xiriirka ardayga da’da yar iyo macallinkiisa ayaa waalidkiisu aad u dhibsadeen iyo waliba magaalada Amiens ee waqooyiga Faransa. Markii buuqa magaaladu batayna Macron waalidkiis waxay wiilkooda ula carareen Paris.

Xiriirkii la is lahaa waari mayo, waa raagay, deedna waxay is guursadeen sannadkii 2007.

Madaxweyne dooran, Macron, ayaa yiri Brigitte waa maskaxdiisa iyo maankiisa, la’aanteedna waa murugo, nin muragaysanna wax ma xukumi karo, mana maamuli karo, sidaas darteed Brigitte mar kasta ka fisha dhankiisa midig.

Dadka ka dhacsan siyaasadda Macron, lana yaabban in uu qabo haweenay dhali karta oo hooyadi ay isku fil yihiin, ayaa ku xanta in uusan nin ahayn, taas oo uu Macron ugu jawaabay in salka dhibku yaal oo uu ka unkanyahay dhaqanka bulshada. Haddii aan qabi lahaa haweeney 20 sano iga yar, cidi kama hadasheen, oo faan baaba la iigu dari lahaa, laakiin haddii ninku yahay kan yar, waa in loo abuuro cillad aan jirin, taasina waa dhaqanxumo bulsho, ayuu yiri Madaxweyne Dooran Macron.

Radio Daljir

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 11
  • cali saleebaan cali 7 years ago

    jacaylku waynaan iyo yaraan midna maleh ee waaa in Qof walba. jacaylkiisa Ku taxaluqaaa

  • Arimaha qoyska ee France in aan ku mashquulno waa micnadarro!

  • Ahmed cadde 7975195 7 years ago

    Jaceylku indho maleh
    Macron wuxuu mudanyahay ku dayasho maadama uu nabaray
    macnaha jaceylka saxdaa

  • Aad baan oga xumahay in ay DAL-Jir ay ka midnoqoto meel faafisa muuqaalada foosha xun iyo Anshaxdarrada ah. Mise magaca idaacadda yaa dadxun isticmaalayaan oo magaca yaa ladhacay!!!!?

  • Abdirizak ahmed 7 years ago

    Wallaahi waxaan anigu aad ula dhacay marka uu jawwaabta siinayey dadka ku eedeeyey inuusan nin dhamaystiran ahayn

  • Qaali 7 years ago

    Run ahaantii,waa arin wanaagsan oo Daljir.com ay noogu furtey dood. Waxaan oran lahaa in Madaxweynaha France wuxuu dhalinyarada u furay dariiq wanaagsan.
    Jaceyl waa laga maarmaan. Laakiin 15 years buu jirey markuu la kulmey, xaaska uu guursan lahaa. waa arin culus maadaama uu French man yahay oo uuna u baahnaa waxbarashadii inuu sii wato.
    Aniga ahaan waan ku raacsanahay fikradiisa iyo tan xaaskiisaba inaad Jaceyl, iyo qof qiimo leh la guursado hadii ay kaa weyntahay ama uu kaa weynyahay. Hadii aan Somali nahay waa in arintaan la bilaabaa!!
    …My apology for my native Somali writing. I just want to agree with President Macron that if his wife was 20 years younger than him, no one would pay attention to that. Indeed, no one would because that is the norm of the majority of the people. I personally agree to this situation for a man to marry an older woman.

  • Shirwac Abdisamed 7 years ago

    Asc daljir DoorashooyinkiiKa dhacay France Waxaan ka baranay in Xukunku odayaasha Meel ugu xirnayn, Dhalinyaradana jacaylku meel ugu xirnayn.
    0907412301

  • Shirwac Abdisamed 7 years ago

    Asc daljir DoorashooyinkiiKa dhacay France Waxaan ka baranay in Xukunku odayaasha Meel ugu xirnayn, Dhalinyaradana jacaylku meel ugu xirnayn.
    0907412301

  • Shirwac Abdisamed 7 years ago

    Run Ahaantii Madaxweynaha Dalka Faransiiska Emanuel Macron,
    waa nin lagu tilmaamo inuu ya hay madaxdii Faranse soomartay kii ugu yaraaa tee da kale Malahaaa Madaxweynaha waxa uuba u adkaysan waayey Hadalada kasoo yeeray Buldhsda caalamka oo isaga iyo xaaskiba ayba kumash quuleyn dunida inteeda kale
    horaaa loyiri
    Siyaaasi walbooo guuleysta Nag weyn baaa gadaashii Ah 0907412301

  • Saciid Hassan 7 years ago

    Marcon Waa Madaxweynaha Ugu Dadda yar Faransiiska waxaana lagu sheegay in jiro 39 sano Hadaba Wuu qabi karaa Marwadiisa oo 64 Jir ah waayo ma jiro Sharci Diidayo Guur Kooda Maah maaah soomaaliyeed Ayaa Aheed NIn kaa weyn ayaa ku dhaqi kara iyadoi maah maahdaas ay Ku jeday Hablaha lakin hada waxa ay Noqoneyaaa Naag kaa weyn ayaa kula dhaqmi karta

    Nambarkeygu ma aha Golis ee Waa Shirkada Golis La.Mataanaha ah Ee Hormuud 00252615493287

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com