Site icon Radio Daljir

Madaxweynaha Faransa: “Haddii Xaaskaygu 20 Sano iga Yaraan lahayd Laba Cali isma Weydiiseen”

Emanuel Macron, Madaxweynaha Dooran ee Faransa, ayaa nacayb iyo warxumo-tashiil ku eedeeyey la yaabka dadku la yaabanyahay in haweenayda uu qabo ay 24 sano ka yartahay da’ ahaan.

Brigitte Trogneux oo hadda ah xaaska madaxweynaha, ahna 64 sano jir, ayaa ahayd macallinkiisa suugaanta markuu ahaa wiil yar oo 15 sano jir ah. Marka Emanuel Macron oo wiil yar ahi uu jeclaanayo gabadha Brigitte, markaas Brigitte waa la qabay, waxayna dhashay 3 carruur ah. Xiriirka ardayga da’da yar iyo macallinkiisa ayaa waalidkiisu aad u dhibsadeen iyo waliba magaalada Amiens ee waqooyiga Faransa. Markii buuqa magaaladu batayna Macron waalidkiis waxay wiilkooda ula carareen Paris.

Xiriirkii la is lahaa waari mayo, waa raagay, deedna waxay is guursadeen sannadkii 2007.

Madaxweyne dooran, Macron, ayaa yiri Brigitte waa maskaxdiisa iyo maankiisa, la’aanteedna waa murugo, nin muragaysanna wax ma xukumi karo, mana maamuli karo, sidaas darteed Brigitte mar kasta ka fisha dhankiisa midig.

Dadka ka dhacsan siyaasadda Macron, lana yaabban in uu qabo haweenay dhali karta oo hooyadi ay isku fil yihiin, ayaa ku xanta in uusan nin ahayn, taas oo uu Macron ugu jawaabay in salka dhibku yaal oo uu ka unkanyahay dhaqanka bulshada. Haddii aan qabi lahaa haweeney 20 sano iga yar, cidi kama hadasheen, oo faan baaba la iigu dari lahaa, laakiin haddii ninku yahay kan yar, waa in loo abuuro cillad aan jirin, taasina waa dhaqanxumo bulsho, ayuu yiri Madaxweyne Dooran Macron.

Radio Daljir

Exit mobile version