Madaxweynaha Dowladda Puntland oo Xafiiskiisa Ku Qaabilay Wafti Ballaadhan oo Ka Kooban IGAD iyo UNSOM.

Madaxweynaha Dowladda Puntland oo Xafiiskiisa Ku Qaabilay Wafti Ballaadhan oo Ka Kooban IGAD iyo UNSOM.

Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Cabdiweli Mxamed Cali Gaas ayaa maanta oo taariikhdu tahay 28 July 2018 waxaa uu xafiiskiisa ku qaabilay wafti uu hogaaminayey wakiilka gaarka ah ee IGAD ee arrimaha Soomaaliaya Dr. Mohamed Guyo iyo kuxigeenja Arrimaha Siyaada Soomaaliya UNSOM Mr. Raisedon Zenenga.

Madaxweynaha Dowladda Puntland kulanka uu la qaatay IGAD iyo UNSOM waxaa ku wehelinayey Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo horumarinta ree miyaga, Wasiirka Wasaaradda Haweenka iyo saraakiil katirsan madaxtooyada Dowladda Puntland.

kulankan ay yeesheen Madaxweynaha Dowladda Puntland iyo wafti ay hogaaminayeen wakiilka gaarka ah ee IGAD ee arrimaha Soomaaliaya ayaa waxaa looga ahadlay amniga guud ee gobolka, xaaladaha bina’aadanimo iyo siyaasada Soomalaiya.

Dr. Mohamed Guyo iyo Mr. Raisedon Zenenga ayaa uga mahad naqay Madaxweynha Dowldda Puntland kulanka uu kula qaatey xafiiskiisa, isla mar’ahaantaana uga mahadnaqay soo dhowaynta iyo sida wanaagsan ee uu ugu qaabailay xafiiskiisa .

Dhinca kale Madaxweynaha Dawladda Puntland ayaa tilmaamay in Puntland ay marwalba u taagantahay sidii loo heli lahaa dowladnimo soomaaliyeed oo buxda kuna dhisan sinaan iyo caddaalad, iyo sidii soomaaliya xaaladeeda guud ee amni wax badan looga badeli lahaa.

Sidoo kale wakiilka gaarka ah ee IGAD ee arrimaha Soomaaliaya Dr. Mohamed Guyo iyo kuxigeenja Arrimaha Siyaada Soomaaliya UNSOM Mr. Raisedon Zenenga, ayaa dawaladda Puntland ku amaanay doorka iyo kaalinta siyaasadeed ay ka qadatay nabada, xasilinta, isdhexgalka iyo sidii loo abuuri lahaa jawi nabdeed oo soo af jara dhibaatadii dheereed ee ay soo martay Soomaaliya.

Ugu danbeyn Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa beesha caalamka uga mahad celiyey dowrka muhiimka ah ee ay ka qaadato wax ka qabashada arimaha soomaaliya gaar ahaaan amniga iyo siyaasada, sidoo kalena kulaa dar daarmay inay sii xoojiyaan wadada loo marayo sidii soomaaliya loogu toosin lahaa jidka nabada

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 1
  • NuurkaNederland 6 years ago

    UNSOM IS AMERICAN TOILET PAPER
    GO FUCK YOUR SELF.

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com