Madaxweynaha Dowladda Puntland oo Xadhiga Ka Jarey Waddada Wasaaraddaha ee Dowladda Puntland (Sawiro)

Madaxweynaha Dowladda Puntland oo Xadhiga Ka Jarey Waddada Wasaaraddaha ee Dowladda Puntland (Sawiro)

Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta oo taarikhdu tahay 10 June 2018 ayaa waxa uu xadhiga ka jaray waddada Wasaaraddaha ee Dowladda Puntland, waddadaas oo laga hirgeliyey magaalada Garoowe ee caasimada Dawladda Puntland.

Madaxweynaha Dowladda Puntland ayaa waxaa ku weheliyey xafladda furitaanka waddada Wasaaraddaha Dowladda Puntland maamulka dagmada Garoowe, qaar kamida golaha xukuumadda, saraakiil katirsan madaxtooyada Dowladda Puntland, Ganacsato iyo Marti sharaf kale.

Waddadan cusub ee Wasaaraddaha ayaa dheerakeedu yahay 1.5 KM, waxaana ku baxday lacag gaaraysa 200,000$, iyadoona ay dhistay shairkad laga leeyahay Dowladda Turkiga,shirkaas oo ah shirkadii dhistay Garoonka diyaarada magaalada Garoowe ee Gen. Mohamed Abshir.

Dhismaha Waddada ayaa waxaa lagu dhisay barnaamijkii dawladda Puntland ee isku tashiga waxaana bixsay Dawladda Puntland dhammaan kharshkii ku baxay hirgelinta mashruucan oo kamid noqonaya wadooyinka ugu bilicda wanaagsan guud ahaan Puntland marka lafiiriyo tayada dhismaha waddada iyo nashqadayntaba.

Dhinaca kale Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo khudbad ka jeediyey xadhig jarkii waddada Waasaaraddaha ayaa sheegay in waddadan ay tahay wado halbowle ahoo faa’iidooyin badan wadanka kusoo kordhindoonta oo ay ugu horyso bilicda iyo isku socodka gaadiidka.

“Aad iyo aad baan ugu mahadnaqayaa Wasaaradda Maaliyadda iyo intii kale ee kala qayb qaadatay hirgelinta dhismaha waddadan aadka u quruxda badan oo aan isleeyahay inay tahay wadooyinkii magaalada horey uga jiray mid aad uga tayo wanaagsan, ugana qiima badan, waan ku faraxsanahay daahfurka waddadan aad u jeedaan bilicda kamuuqata iyo sida loo dhisay iyo farsamada, tayada waddo ee meesha kamuuqata, aad iyo aad bay noo cajab gelinaysaa kuna faraxsanahay”Ayuu yiri Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas.

Ugu danbeyn, Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa sheegay waddadan in ay ku timaaday isku tashigii Dowladda Puntland, wax badana lagu qabtay isku tashigaa uuna rajeenayo in wax badan oo danbe lagu qaban doono Insha’Allaah, isla’markaana waxaa uu madaxweynuhu sheegay in dadka latuso inay wax qabsan karaan ayagoon cid kale wax kasugin.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com