Madaxweynaha Dowladda Puntland oo Salaada Ciidul Fidriga La tukaday Shacabka Casimada Garoowe (Dhegayso/Sawiro)

Madaxweynaha Dowladda Puntland oo Salaada Ciidul Fidriga La tukaday Shacabka Casimada Garoowe (Dhegayso/Sawiro)

Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa saaka subax nimadii 15 June 2018 La tukaday salaadii ciidul fidriga shacabka ku dhaqan caasimada Dawladda Puntland ee Magaalada Garoowe.

Salaada Ciida oo Lagu tukadey garoonka kubada cagta Mire Awaare ayaa waxaa Madaxweynaha kala qayb galay Madaxweyne kuxigeenka Dawladda Puntland Eng. Cabdixakiin Xaaji Cabdulaahi Cumar Camey, Gudomiyaha Baarlamaanka Puntland Mudane. Axmed Cali Xaashi iyo kuxigeenadiisa, masuuliyiin ka tirsan goloyaasha dawladda Puntland, saraakiisha ciidamada Puntland, saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Puntland, isimo, cuqaal, nabadoono, waxgarad, siyaasiyiin, aqoon yahano, Culumo iyo shacab weynaha Casimada Dawladda Puntland.

Gudoomiyaha Baarlamanka Puntland Axmed Cali Xaashi oo munaasabada ka hadlay ayaa shacabka reer Puntland ugu baaqay in ay ka shaqeeyaan midnimada sidoo kalena Dowladda ka codsaday in ay sii wadaan howlgalada cadowga looga xoraynayo goobaha ay ku hareen.

Dhinaca kale Madaxweyane ku-xigeenka Dowladda Puntland Eng Cabdixakiim Xaaji Cumar Camey oo hadal kooban munaasabada ka jeediyey ayaa ku dheeraaday difaaca dalka isagoo shacabka reer puntland ugu baaqay in ay ka qayb qaataan xoraynta golbolka Sool iyo guud ahaan difaaca dalka isagoo dhanka kale hambalyo u diray ciidanka geesiyaasha Puntland.

Sidoo kale Madaxweynaha Dawladda Puntland ayaa ugu horayn hanbalyo u diray ummada Soomaaliyeed iyo shacabka reer Puntland meelkastay joogaan munaasibada ciidul fidriga darteed, waxaana uu madaxweynihu sheegay in Puntland ka jirto nabad gelyo sugan oo boqlkiiba boqol laysku halayn karo.

Wariye Cabdixakiin Xuseen Xasan ayaa Warbixintan Kaso diray Garoowe

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com