Madaxweynaha Dowladda Puntland oo Mashaariico Horumarineed Ka Dhagax Dhigey Degmada Dhahar (Sawiro)

Madaxweynaha Dowladda Puntland oo Mashaariico Horumarineed Ka Dhagax Dhigey Degmada Dhahar (Sawiro)

Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta oo taariikhdu tahay 29 November 2018 ka dhagax dhigey mashaariico horumarineed Degmada Dhahar ee Gobolka Haylaan.

Madaxweynaha waxaa ku wehelinayey dhagax dhigga masuuliyiin ka tirsan goleyaasha Dowladda Puntland, isimo, waxgarad, nabadoono, siyaasiyiin aqoonyahano, iyo Saraakiil katirsan Madaxtooyada Dowladda Puntland

Mashaariicdan horumarineed ee uu madaxweynuhu ka dhagax dhigey magaalada Dhahar ayaa kala ah 100 guri oo loo dhisayo dadka barakacayaasha ah ee xooluhu kaga dhamaadeen abaaraha iyo shacab kasoo jeeda Puntland gaar ahaan Sanaag iyo Haylaan oo kasoo barakacay dagaaladii Ethopia ku dhex maray Oromada iyo Soomaalida, iyo sidoo kale wado laamiya oo isku xiri doonta Magaalada Sheerbi iyo Degmada Xiingalool.

Dhinaca kale Suldaan Maxamed Suldaan Cabdulaahi Cartan oo goobta dhagax dhiga ka hadlay ayaa sheegay mashaaricahan horumarineed ee Dowladda Puntland ka hirgalisey Gobolada Sanaag iyo Haylaan ay yihiin waa cusub oo ubaryey goboladaas, isla’markaana Dowladdihii dalka soo maray aysanba weligood dhulkaan caga soo dhigin ilaa Dowladda Puntland oo uu hogaamiyaha ka ayahay Madaxweyne Cabdiweli Maxamed Cali Gaas.

Sidoo kale mashruuca wadada laamiga ah ee isku xiri doonta Magaalada Sheerbi iyo Degmada Xiingalool ayaa qaybta 1-aad oo ah Sheerbi Dhaahar oo ay ku bixi doonto lacag dhan $ 3,0000 (Sadex milyan oo doolar) waxaa lacgtaas bixinaysa Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Horumarinta Reer Miyiga.

Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo ka hadalay mashaaricahan uu maanta dhagax dhigey ayaa waxaa hadaladiisa kamid ahaa,

“Waan bogaadinayaa dhagax dhiga mashaariicdan Wasaarada Arrimaha Gudaha bilad ayaan siinaynaa maanta sababtu waxaa weeye 100 guri iyo qaybtii 1-aad ee wadada oo ah Sheerbi ilaa Dhahar ay $ 3,0000 (Sadex milyan oo doolar) ku bixinayaan kaga qayb qaadanayso inta kale ee dhimana oo ah ilaa Xiingaloolna anaga ayaa dhamaystirayna, mashruucaasi waa dhaqaaqay, waana bilowday, ciddii riyo u malaynaysayna wakaas waa dhaqaaqay mashruucaasi” ayuu yiri Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas.

Ugu danbayntii Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa markii uu soo dhamaaday dhagax dhiga mashaariicdaasi safar dheer oo dhulka ah dib ugu soo laabatay Caasumada Dowladda Puntland ee Garoowe.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com