Site icon Radio Daljir

Madaxweynaha Dowladda Puntland oo kasoo horjeesatay hadalkii Guddoomiyaha Guddiga doorashooyinka

Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr Siciid Cabdulaahi Deni ayaa waxaa uu kasoo horjeestay hadalkii Maanta kasoo yeeray Guddiga doorashooyinka Qaranka ee lagu taageeray Sharciga doorashooyinka Qaranka oo ay labada Aqal horey u ansixiyeen sidoo kale Madaxweyne farmaajo uu saxiixey.

Qoraal kooban oo kasoo baxey Madaxtooyada Puntland ayaa waxaa lagu sheegay in hadalka Guddoomiyaha Guddiga doorashooyinka usuan aheyn hadal lagu taageerayo Sharciga doorashooyinka ee horey loo ansixiyey balse uu yahay mid lagu joojinayo dadaalada ay Puntland wado.

“Guddiga Doorashada DFS hadalka ay hadda soo jeediyeen ma aha mid sharci waa-hore la ansixiyey lagu taageerayo, ee waxaan u arkaa mid looga hordhacayo dadaalada ay Puntland wado, laguna fashilinayo gogosha wadahadal ee Garoowe la dhigay, waana talaabo labaad oo jid-gooyo ah, marka laga soo tago warsaxaafadeedkii ay Wasiiradu qabteen ayaa lagu yiri” Warka kasoo baxay Puntland.

Diwaanka wararka
Radio Daljir

Exit mobile version