Madaxweynaha Dowladda Puntland oo Garowe dib ugu laabtay Kana hadlay Arrimaha Shirkii Muqdisho (dhegayso)

Madaxweynaha Dowladda Puntland oo Garowe dib ugu laabtay Kana hadlay Arrimaha Shirkii Muqdisho (dhegayso)

Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo wefti uu hogaaminyo ayaa maanta 08 Nov 2017 dib ugu soo laabtay magaalada Garoowe ka gadaal muddo laba todobaad ah oo ay Muqdisho kaga qayb galeen shirkii wada tashi ee DFS iyo dawladdaha Xubnaha ka ah.

Madaxweynaha iyo weftigiisa ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Kanooko ee Magaalada Garoowe kusoo dhoweeyey Madaxweyne ku-xigeenka dawladda Puntland Eng. Cabdixakiin Xaaji Cabullaahi Cumar Camey, Guddomiyaha Golaha Wakiilada Puntland Mudane Axmed Cali Xaashi, maamulka gobolka Nugaal iyo kan degmada Garoowe, waxgarad, siyaasiyiin iyo masuuliyiin kale.

Madaxweynaha dawladda Puntland oo warbaahinta kula hadlay qasriga Madaxtooyada Garoowe ayaa sheegay in isaga iyo weftigisu Muqdisho kaga qayb galeen shirkii wada tashiga qaran ee muddada halkaasi kocdey, waxaana uu cadeeyey Madaxweynuhu in qodobadii is afgarad ee kasoo baxay shirkii Muqdisho ay ahaayeen qodobo u hiilinayey fadaraaliisamka, dawladdnimada, dastuurka Soomaaliya iyo wixii kale ee lagu heshiiyey.

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa xaqiijiyey in heshiiskaasi keenay isu soo dhowaansho iyo is afgarad dawladda DFS iyo dawladdaha xubnaha ka ah dhexmaray, waxaana uu timaamay Madaxweynuhu in heshiiskaasi uu hormuud u ahaa shirkii Kismaayo ee lagu aas aasay golaha iskaashiga dawladdaha xubnaha ka ah DFS.

dhegayso Wariye Cabdixakiin Xuseen Xasan oo Warbixin kadiyaariyaay


FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com