Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni oo magacaabay Kooxda wacyigelinta ee Mahuran Band.

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni oo magacaabay Kooxda wacyigelinta ee Mahuran Band.

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdulaahi Deni ayaa Xeer Madaxweyne, Lr 65, ee 20ka Agoosto 2019, ku magacaabay Guddoomiyaha Kooxda wacyigelinta ee Mahuraan Band.

Madaxweynaha Dowladda Puntland

Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland

Markuu tixgeliyey: Aqoontooda iyo Khibradooda shaqo.

Wuxuu xeeriyey:

Waxaa Abwaan Maxamed Dhagaafe Cilmi loo magacaabay Guddoomiyaha kooxda wacyigelinta ee Mahuraan Band.

Waxaa Maxamed Xassan Xuseen loo magacaabay Guddoomiye ku xigeenka kooxda wacyigelinta ee Mahuraan Band.

Waxaa kooxda wacyigelinta ee Mahuraan Band la hoos geeyey Wasaaradda Shaqada, Shaqaalaha, Dhalinyarada iyo Cayaaraha Dowladda Puntland.

Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo,wuuna saxiixay Madaxweynuhu.

-DHAMMAAD-

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com