Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo Kormeeray Qaar kamida Xarumaha Dowladda Puntland (Sawiro)

Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo Kormeeray Qaar kamida Xarumaha Dowladda Puntland (Sawiro)

Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta oo ay taarikhdu tahay 7 May 2018 waxaa uu kormeer ku sameeyey qaar kamida xarumaha Dowladda Puntland ee ku yaala caasimada Garoowe, xarumahaas oo ay ka mid ahaayeen xarunta Maxkamada sare, xarunta Wasaaradda Waxbarashada, xarunta Wasaaradda Shaqada iyo Shaqaalaha, dhismaha cusub ee Wasaaradda Qorsheynta, xarunta Wasaarada Warfaafinta, iyo xarunta laanta Socdaalka iyo Jinsiyadaha.

Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa ugu horeen waxa uu kormeerkiisa ka bilaabay xarunta Maxkamada sare ee Garoowe xili ay ka socotey shaqada maalin laha ah ee ay qabato xarunta maxkamada sare, halkaasi oo Madaxweynuhu kulan gaara kula qaatay Guddoomiyaha maxkamada sare, kulankaas oo ahaa mid xog waraysi iyo hanaanka ay usocoto shaqadu iyo sida ay ugu shaqeeyan bulshada.

Xilgii madaxweynaha Dowladda Puntland uu ku guda jiray kormeerka ayaa madaxweynuhu waxaa uu mid-mid u galay xafiisyada kala duwan ee xarunta maxkamada sare, halkaas oo ay ku sugnaayeen shaqaalaha iyo shacabkii loo shaqeenayey, iyadoona Madaxweynuhu is xog waraysi kadib uu kula dardaarmay shaqaalaha maxkamada sare ee Garoowe inay dardar geliyaan shaqada ay u hayaan shacabka, isla markaana ay ugu adeegaan si hagar la’aan ah oo cadaaladi ku dheehan tahay.

Dhinaca kale Madaxweynha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa waxaa uu booqsho ku maray wasaaradaha kala ah wasaaradda waxbarashada, wasaaradda shaqada iyo shaqaalaha, wasaaradda qorsheynta iyo xarunta wasaaradda warfaafinta, xarumahaas oo dhammaantood uu madaxweynuhu mid-mid u galay xafiisyadooda kala duwan.

Sidoo kale Madaxweynha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas intii uu ku guda jirey booqashada wasaaradda warfaafinta waxa uu kormeeray mashruuc dhawaantan laga hir galiyey Dowladda Puntland, mashruucaas oo lagu horumarinayo Technology-yadda iyo isgaadhsiinta Puntland, si ay u fududaato xidhiidhka Wasaaradaha iyo hay’adaha kale ee Dowladda Puntland iyo dhammaan xarumaha kale ee dhigeeda ah ku yaala Soomaaliya iyo heer Caalamiba.

Wasaaradaha hadda barnaamijkaan laga hirgeliyey waxaa kamid ah Wasaaradaha Warfaafinta, Wasaarada Qorshaynta, Wasaarada Caafimaadka, Wasaarada Waxbarashada iyo Xarunta Madaxtooyada Dowladda Puntland, iyadoona xarun walba loo sameeyey Conference Room iyo Puplic IP ay u madax bannaan tahay si ay ugu fududaato xidhiidhka heer goboleed iyo mid Caalamiba.

Ugu danbeyn Madaxweynha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa waxaa uu booqdey xarunta laanta socdaalka iyo jinsiyadaha Dowladda Puntlan, halkaasi uu madaxweynu kula kulmay maamulka xarumahaasi, isla’marhaantaa ka xog wareesatay sida ay shaqda xafiisyadu u socoto, kadibna kula dar-daarmay shaqaalaha xafiisyadaasi inay bulshada si daacda ugu adeegaan, Sidoo kale Madaxweynha Dowladda Puntland ayaa goobihii adeega loogu samaynayey bulshada waxaa uu kula kulmay shacab soomaaliyeed oo badankiisu ka yimi Gobolada koonfurta iyo Waqooyiga Soomaaliya, kuwaas oo ay ka mid ahaa dad bukaan socod ah oo baahi weyn uqabay in ay helaan adeeg caafimaad oo dibada ah, iyagoona Madaxweynuhu u amary in si deg deg ah loogu sameeyo adeega ay u baahan yihiin si socdaalkoodu ugu fududaado.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 2
  • yaxye cilaahi 6 years ago

    waxanleyahay gaas booqashadiisa xarumaha dawlada waxbasoo siyaadinmaysi

  • Nuurkanederland 6 years ago

    IIDHEH IGA DHEH.
    GAASOOW PL WAY KU FAHANTAY.

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com