Site icon Radio Daljir

Madaxweynaha Dowlad Deegaanka Soomaalida Mustafe Cagjar & Golaha Wasiirada oo Addis Ababa Shir Degdeg ah looga yeeray

Maamulka DDS oo uu ugu horeeyo Madaxweyne Mustafe Muxumed Cumar Cagjar iyo Golihiisa Wasiirada ayaa maanta shir uga bilaabmay magaalada Addis Ababa ee caasimada dalka Itoobiya. Ujeedada shirkaas oo aan weli la shaacin ayaa waxaa shir guddoon ka ahaa Wasiirka Maaliyada Dawlada Federaalka ahna Guddoomiyaha xisbiga deegaanka Soomaalida, Mudane Axmed Shiide.

Axmed Shiide waa xubin xisbiga ‘Somali People Democratic Part (ESPDP)’ ee deegaanka Soomaalida, isla markaasna waa Wasiirka Maaliyadda Dowladda Federaalka Itoobiya. Mudane Shiide waxaa 16 Aktoobar 2018 jagada u magacaabay Raysal Wasaare Abiy Axmed.

Diiwaanka wararka DDS

Radio Daljir

Jigjiga

Exit mobile version