Madaxweynaha DDSI oo ka hadlay rabashad saaka kadhacay Jigjiga

Madaxweynaha DDSI oo ka hadlay rabashad saaka kadhacay Jigjiga

Madaxweynaha dowlad degaanka Soomaalida ee dalka Itoobiya oo goor dhow la hadlay Warbaahinta ayaa ka hadlay rabshadihii maanta ka dhacay magaalada Jigjiga ee xarunta dowlad degaanka Soomaalida.

Mudane Cabdi Maxamuud Cumar oo hadal kooban jeediyay ayaa dadka Shacabka ugu baaqay in ay isdejiyaan,islamarkaana aysan waxyeeleyn Qowmiyaddaha kale ee kunool Magaalada Jigjiga.

Madaxweynaha waxaa uu sheegay in ciidamada Milatariga ay geysteen dhibaato badan , islamarkaana ay dhaawaceen dad Shacab ah.Waxaa uu tacsi u diray dadkii maanta ay dhibaatadu gaartay, waxaana uu sheegay in dhawan uu dhici doono Isbadel ballaaran.

Inta la xaqiijiyay 2 qof ayaa ku dhimatay rabashaddaha, waxaana sidoo kale ku dhaawacmay ku dhawaad 50 ruux.

Saaka ayay ahayd markii ciidamo ka tirsan kuwa Fedaraalka Itoobiya ay la wareegeen xarunta baarlamaanka iyo goobo kale oo muhim ah oo ku yaalla magaalaad Jigjiga

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com