Madaxweynaha DDS oo darajooyin guddoonsiiyaay Saraakisha Amniga

Madaxweynaha DDS oo darajooyin guddoonsiiyaay Saraakisha Amniga

Waxaa magaalada Dhagax buur lagu qabtay munaasibad darajooyin lagu guddoonsiinayay qaar ka mid ah saraakiisha ciidanka xooga gaarka ah ee shaqo wanaaga muujiyay.

Munaasibadan oo ahayd mid isugu jirtay abaalmarin, dardaaran, iyo darajo siin, ayaa waxaa ka qayb galay madaxwaynaha DDS, Mudane mustafe muxumed cumar, madaxa xafiiska xisbiga barwaaqo ee soomaalida iyo masuuliyiinta haayadaha amniga, ayaa waxaa hadalo dardaaran ah kasoo jeediyay hogaanka nabadgalyada ee DDS, Dr xuseen xaashi Qaasim.

Madaxwaynaha DDS,mudane mustafe muxumed cumar ayaa darajooyin uxidhay qaar kamida saraakiisha ciidanka xooga gaarka ah ee liyu booliska ee kasoo dhalalaay xilkii iyo waajibaadkii ay uhayeen shacabka deegaanka, iyo kaalintii darajo ee ay kagaleen Qiimayntii dhawaanahanba usocotay saraakiisha ciidanka.

Darajosiintani ayaana imanaysa xili ay saraakiisha usaraysa ciidanka xooga gaarka ah ee liyu boolisku ay qiimayn 7aada uga socotay hoolka shirarka ee kuliyada xirfadaha iyo farsamada gacanta ee magaalada dhagaxbuur.

Madaxwaynaha ayaana sheegay in ciidanku ay dadaal badan muujiyeen sidaasi ooy tahayna dadaalka lookala badnaa, Darajada iyo abaalmarinta la isasiinayana ay tahay uun sidii lookala dadaal badnaa, islamarkaasina ay muhiim tahay in qiimayntii dhamaatay cashiro laga barto simarkaasi loosaxo dhaliilihii soobaxay, Lana sii xoojiyo dhinacyadii adkaa.

Diwaanka wararka
Radio Daljir

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com