Madaxweynaha Dawladda Puntland oo Si Ku-Meel Gaara U Magacaabey Guddoomiyaha iyo Guddoomiye Ku Xigeenka Degmada Garoowe

HomeWararka

Madaxweynaha Dawladda Puntland oo Si Ku-Meel Gaara U Magacaabey Guddoomiyaha iyo Guddoomiye Ku Xigeenka Degmada Garoowe

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta oo ay taariikhdu tahay 05 April 2018 xafiiskiisa kasoo saaray wareegtu lagu

Xulashada Daljir & Ayaanle Cabdilaahi Jaamac, Daljir Caabudwaaq | daawo | (dhegayso)
Madaxweynaha Galmudug oo si kuluul uga hadlay Dagaalka Gobalka Galgaduud (dhegayso|Daawo)
Axmed Madoobe oo kismaayo ku qaabilay Ergeyga Qaramada Midoobey (Daawo)

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta oo ay taariikhdu tahay 05 April 2018 xafiiskiisa kasoo saaray wareegtu lagu magacaabay Guddoomiye iyo Gudoomiye ku xigeen kumeel gaar ah ee Degmada Garoowe.

Xeer Madaxweyne Lr.53 April 05, 2018, kuna saabsan magacaabid Guddoomiyaha Iyo Gudoomiye Ku Xigeenka Kumeel Gaarka ah ee Degmada Garoowe.

Madaxweynaha Dawladda Puntland.

Markuu arkay: Dastuurka dawladda Puntland.

Markuu tixgaliyey: Baahida loo qabo in ay sii socoto shaqada maamulka Degmada Garoowe.
Marku Qiimeeyey: Tala soo Jeedinta Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Dawladaha Hoose iyo Horumarinta reer miyiga.

1. Waxaa Axmed Maxamuud Ducaale si ku meel gaara loogu magacaabay Guddoomiyaha Degmada Garoowe.

2.Waxaa Cusmaan Maxamed Siciid si ku meel gaar ah loogu magacaabay ku – Xigeenka Guddoomiyaha Degmada Garoowe.

Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay Madaxweynuhu.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: