Madaxweynaha Dawladda Puntland oo si Balaadhan loogu Soo Dhaweeyey Oslo

Madaxweynaha Dawladda Puntland oo si Balaadhan loogu Soo Dhaweeyey Oslo

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo wefti balaadhan oo uu hogaaminayo ayaa abaaro lixdii iyo badhkii maqribnimo ee maanta oo ay taariikhdu tahay 15/5/2017 ka degay magaalada Oslo ee caasimada dalka Norwey, halkaasi oo si balaadhan loogu soo dhaweeyey.

Madaxweynaha Dawladda Puntland ayaa safarkiisa uu ku marayo qaar ka mida wadamada wadamada Norwey, Sweden iyo Finland waxaa ku wehelinaya Wasiirka Qorshaynta iyo Xidhiidhka Caalamiga ah Shire Xaaji Faarax, Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Cabdinaasir Biixi Soofe iyo saraakiil ka tirsan ka tirsan Madaxtooyada Dawladda Puntland.

Soo dhawaeynta Madaxweynha Dawladda Puntland  oo ahayd mid si maqaam sare leh loo soo agaasimay ayaa waxaa soo qabanqaabisay jaaliyada Puntland ee magaalada Oslo oo ah Jaaliyad aad u abaabulan oo soo bandhigay galabta soo dhawayn ay ka muuqatay farshaxaninimo aad u heer saraysa.

Dhinaca kale Madaxweynaha Dawladda Puntland oo garoonka caalamiga ah ee Oslo hadal kooban ugu jeediyey dadweynihii soo dhaweeyey ayaa si weyn ugaga mahadnaqay soo dhawaynta sharafta badan iyo sida wanaagsan ee ay usoo dhaweeyeen Madaxweynaha iyo weftigiisa.

” aad iyo aad ayaan idiinkaga mahadnaqayaa sida wanaagsan ee aad aniga iyo weftigayga usoo dhawayseen, waana mid aan aad iyo aad ugu faraxsanahay, waxaadna noo muujiseen dareen wanaagsan oo i farxad geliyey, waana idiinka mahadnaqayaa mar labaad iyo mar saddexaad, waxaan wada qaadan doonaa wakhti wanaagsan, waxaana isku waraysanaynaa kulan inta ka balaadhan, ayuu yidhi Madaxweynaha Dawladda Puntland.

Ugudanbayn: Madaxweynaha Dawladda Puntland ayaa mudo kooban oo dhowr maalmood ah la qaadan doona Jaaliyada Puntland ee Dalka Norwey, kadibna ugu sii gudbi doonaa maalmaha fooda inagu soo haya wadamada Sweden iyo Finland, halkaas oo Madaxweynuhu kula kulmi doono Jaaliyadaha ku dhaqan.

–DHAMMAAD–

XAFIISKA, WARFAAFINTA, WACYI-GELINTA HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA PUNTLAND

 

  

 

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 2
  • DALJIR edaacad dhexdhexaada baan idiin qabnay xilligii DR FAROLE lkn hadda edaacad beeleed baa noqoteen hadda cidna idin ma dhagaysto dadku SBC bay dhagaystaan oo dhexdhexaad ah

  • Madaxweynaha Dawladda Puntland oo Si Balaadhan loogu Soo Dhaweeyey Oslo norway masha alah md horumarka pl aad kusoo kordhisay halkaas kasi wad howl qaran ayaa haysaa

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com