Madaxweynaha dawladda Puntland oo qasriga Madaxtooyada ku qaabilay wufuud ka kala socotey Hay’adaha GIZ iyo World Vision.

Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa shalay galab 24-May-2016 Hoygiisa qasirga Madaxtooyada dawladda Puntland ee Garoowe ku qaabilay Madax ka socotey hay’adda  Jarmalka u qaabilsan mashaariicda horumarinta ee GTZ iyo World Vision.

Mas’uuliyiintii ka socdey Hay’adda GTZ  oo ah  hay’adda fulinaysa Mashruuca dhismaha iyo dayactirka waddada isku xirta magaalooyinka Garoowe iyo Gaalkacyo ayaa Madaxweynaha uga warbixiyey halka uu marayo mashruuca dhismaha iyo dayactirka waddadaasi, isla markaana waxa ay sheegeen in dhismaha waddada ay  bilaabi  doonaan bisha September 2016-ka  soona  geba-gebayn doonaan bisha  September 2017-ka.

Hay’ada GTZ ayaa sidoo kale ballan qaaday in ay tayayn doonaan korna u qaadi doonaan  xirfadlayaashaa ka hawlgala hay’adaha dhismaha wadooyinka Puntland oo ay ka mid tahay hay’adda waddooyinka Puntland ee NESHA si waayo aragnimadooda loo kocbiyo.

Madaxweynaha Dawlada Puntlanda ayaa dawladda Jarmalka ku ammaanay dedaalka ay ugu jirto dhismaha kaabayaasha dhaqaalaha Puntland isla markaana waxa uu sheegay in ay garab taagnaan doonaan lana shaqayn 

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com