Madaxweynaha Dawladda Puntland oo Magacaabay Guddiga xalinta Cabashooyinka Dawladda.

Digreeto kasoo baxday Xafiiska Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa lagu magacaabay guddiga xalinta cabashooyinka Dawladda Puntland, kadib markii ay kasoo baxday xafiiska madaxweynaha Digreeto Xeer Madaxweyne Lr. 06 January 29, 2018, kuna saabsan Magcaabida Guddiga Xalinta Cabashooyinka Dawladda Puntland.

Madaxweynaha dawladda Puntland.

Markuu Arkay: Dastuurka Dawladda Puntland.

Markuu Arkay: Baahida loo qabo magcaabida gudida xalinta cabashooyinka Dawladda.

Markuu arkay: Markuu arkay baahida loo qabo xafiiska ilaalinta cabashooyinka muwaadiniinta Puntland guud ahaan gaar ahaan shaqooyinka imtixaanka loo galo.

Markuu Tixgeliyay: In lahelo caddaalada guud oo loo siman yahay.

Markuu Tixgeliyay: Aqoontooda iyo waayo aragnimadooda shaqo.

Wuxuu Xeeriyay:

1. Waxaa loo magcaabay gudiga xalinta cabashooyinka dawladda Puntland oo ka kooban shan xubnood.

1 .Cabdiraxmaan Cali Guureeye : Agaasimaha guud ee maamulwanaaga iyo ladagaalanka musuqmaasuqa – Gudoomiye.

2 .Jaamac Maxamed Cismaan: Guddoomiyaha Hanti Dhawrka – Guddoomiye ku xigeenka.

3 .Cabdirisaaq Nuux Maxamed :Agaasimaha Guud Ee Haweenka – Xubin.

4 .Maxamed Muuse Ismaaciil : Garyaqaanka Guud Ee Dawladda – Xubin.

5 .Ciise Maxamuud Cumar :Aagaasimaha shaqada Iyo Shaqaalaha Madaxtooyada – Xubin.

Xeerakani Wuxuu Dhaqan Gelayaa Markuu Madaxwaynuhu Saxiixo Wuuna Saxiixay Madaxwaynuhu.


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com