Madaxweynaha Dawladda Puntland oo Maanta safar shaqo ugu amba baxay dalka Itoobiya

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta 15-April-2016 safar shaqo ugu amba baxay magaalada Addis Ababa bee Caasimadda Dalka Ethiopia halkaas oo uu kaga qayb geli doono Shirka Madaxda Afrika ee Tana Forum ee sannadkiiba mar lagu qabto magaalada Bahar dahar ee dalkaasi.

Madaxweynaha ayaa waxaa Garoonka diyaaradaha ee Konooko kusii sagootiyey Madaxweyne ku-xigeenka Dawladda Puntland ahna kusimaha Madaxweynaha Eng. Cabdixakiim Cabdulaahi Xaaji Cumar Camey, Guddoomiyaha golaha Wakiillada Dalwadda Puntland Axmed Cali Xaashi, Wasiiro, Xildhibaano iyo saraakiisha ciidanka.

Safarka Madaxweynaha ayaa isugu jira ka qayb galka shirka Tana Forum iyo shir kale oo u dhexayn doona dawladda Puntland iyo Dalwadda Ethiopia oo la xiriira dhinaca ammaanka maadaama Puntland iyo Ethiopa ay wadaagaan xuduud dhuleed ballaadhan isla markaana uu jiro cadow guud oo ay wadaagaan.

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas  ayaa sidoo kale sheegay in  ujeedooyinka safarkiisa  ay qayb ka tahay wada hadallo u socdey Puntland iyo Ethiopia oo la xiriira dhinaca dhaqaalaha isla markaana ay doonayaan in ay soo geba-gebeeyaan qaybihii ugu dambeeyey  wada hadalladaasi si loogu furo bog cusub xiriirka ganacsi ee u dhexeeya Puntlan diyo Ethiopia.

“Waxaan maanta u amba baxayaa magaalada Addis Ababa oo aan labo arrimood ugu amba baxayo, midda koobaad waxa weeye hawlo la xiriira arrimaha amniga, dhaqaalaha iyo gacansiga oo aanu ballamo ka lahayn in aan soo geba gebayno, heshiiskaas oo aan rajeynayo in uu  Puntland u noqon doono miro dhal wanaagsan

Sidoo kale waxaan muddo labo beri ah ka qayb geli doonaa shirkii Tana Forum oo ay isugu imaad doonaan madax badan oo Afrikaan ah, lagagana hadli doono xaaladda nabad gelyo ee qaaradda Afrika oo aanu ognahay annaga qudhayadu in aanu xaalad gaar ah hadda ku jirno, waxaanan rajeynayaa in uu noqon doono mid si dhow loogaga hadli doono guud ahaan xaaladda Amni ee Soomaaliya iyo gaar ahaan Puntland” ayuu yiri Madaxweyne Dr. Cabdiweli Maxamed Cali.

 

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com