Madaxweynaha Dawladda Puntland oo ka Tacsiyeeyey Geerida Marxuum Abshir Muuse

Madaxweynaha Dawladda Puntland oo ka Tacsiyeeyey Geerida Marxuum Abshir Muuse

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa ka tacsiyadeeyey geerida Allah hau naxariistee marxuun Eng. Abshir Muuse Saciid oo ku geeriyaaday xalay Dalka Ingeriiska Gaar ahaan Magaalada London.

Madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo ku hadlaya afka Goleyaasha Dawladda Puntland ayaa waxaa uga tacsiyaynayaa Guud ahaan shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan Shacbweynaha Puntland iyo eheladii, qaraabadii, asxaabtii iyo qoyskii uu ka baxay marxuum Eng. Abshir Muuse Saciid.

Dhinaca kale marxuum Eng. Abshir Muuse Saciid ayaa waxaa lagu xasuustaa inuu ka mid ahaa hogaamiyeyaashii {SSDF} aasaasayaashii Dawladda Puntland iyo Maareeyihii hore ee wakaaladdii hore ee xooga korontada Soomaaliya {ENEE}.

Ugu danbayn, Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa marxuumka marlabaad Allah uga baryey inuu u naxariisto, denbigiisana dhaafo, su’aasha qabrigana Allah sulansiiyo, samir iyo iimaanna uu kasiiyo eheladiisa iyo Guud ahaan shacabka Puntland.

-DHAMMAAD-

XAFIISKA WARFAAFINTA, WACYI-GELINTA, HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com