Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas Ayaa Kulan Kula Qaatey Xafiiskiisa Gudoomiyeyaashaa Gobolada Puntland.

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas Ayaa Kulan Kula Qaatey Xafiiskiisa Gudoomiyeyaashaa Gobolada Puntland.

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa Maanta oo ay taarikhdu tahay 04 March 2018 Waxaa uu kulan gaara xafiiskiisa kula qaatey Gudoomiye yaasha Gobolada Puntland.

Kulankan uu Madaxweynaha Dawladda Puntland uu la qaatey Gudoomiyeyaasha Gobolada ayaa waxaa qeyb ka ahaa Wasaaradda arimaha gudaha, dawladaha hoose iyo hormarinta reer miyiga oo uu ka soo qeyb galay Wasiirka Wasaaradda Mudane. Cabdulaahi Timacde iyo Wasiir ku xigeenka Wasaardda.

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa kulankan uu maanta la qaatey Wasaardda iyo Gudoomiyeyaasha gobolada waxaa looga wada hadley xaalada guud ee Gobolada sida Amniga, nidaamka dawliga ah, Cashuurha, Dhaqaalaha, waxbarashada, Horumarinta, Abaaraha, xaalufka deegaanka iyo daaweynta xoolaha.

Dhinac kale Gudoomiyeyaasha Gobolada oo warbixino kooban siiyey madaxweynaha ayaa sheegay in xaalada guud ee amniga goboladu wanaagsan yahay, balse meelaha qaar ay ka jiraan xalaad abaareed oo hada isku bedashey biyo dhaamis, gobolada sida gaarka ah ay abaaruhu u saameeyeena ay ka mid yihiin Gobolada Sanaag, Hayland, Kar Kaar iyo qaybo kamida Gobolka Mudug.

Sidoo kale Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo la hadley Gudoomiyeyaasha Gobolada ayaa waxa uu farey inay dar dar geliyaan qaadida canshuuraha bariga iyo macaash-macaashkaba isla mar ahaantana ay adkeeyaan ilaalinta sharciga iyo la dagaalanka musuq maasuqa, sidoo kalana looga baahan yahey inay la xisaabtamaan hay’adaha aan dawliga ahyn (NGO) iyo hay’adaha samafalka ee ka shaqeeya gar-gaarka aadanaha si loo hubiyo in la gaarsiiyey adeegii saxdaha ahaa dadka danyarta ah sida barkacayasha, reer guuraaga, dadka ay abaaru saameeyeen iyo guud ahaan shacbka reer Puntland.

Ugu danbeyn Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa kula dar daarmey Gudoomiye yaasha Gobolada Puntland iney fiira gaara u yeeshaan kana qeyb qaataan difaaca Puntland, dhinacakalena Madxweynaha Dawladda Puntland ayaa ugu hambalyeeyey shacabka Gobolka Gardfuu oo taarikhda markii ugu horeeysey la gaarsiiyey riigii ceel biyood ee ugu horeeyey tan iyo markii Soomaaliaya xornimada qaadatey1960.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 1
  • Yusuf 6 years ago

    Dalku waa dal wanaagsan hase yeeshee ma haysto hogaamiyeyaal aqoon u leh hogaaminta taasoo aysan ku fikireyn sidii dadka ay u helilahaayeen waxbarasho tayo leh oo bilaa lacag ah ama lacag jaban, xaga amaanka ma jiro cadawga koofur ku habsaday oo ah xag jirnimada taasoo ay sabab u tahay awood shisheeye oo dooneysa dalka inay gacanta ku dhigto Waxaad dhanka isleedahay Gudoomiyayaasha waxaa ka maqan aqoonta tilmanta (directions) laga doonaayo inay bixiyaan sida loo hormarinkaro Gobolka xag shaqo iyo xaq caafimaad iyo xag magaaleyn, dhireyn iyo dhamaan hanaaneynta degaanka (land sacaping), tusaale waxaad arkaysaa meel qol shidaalka gaadiidka lagu gadaayo waxaa ku dhegan huteel cunto ama degaan ama farmashiye ama meherado kale. Gudoomiyaha gobolka asagoo raacaya dastuurka waa inuu waa inuu qabta shaqo waqti kooban iyo waqti dheer. Arimahaas la xisaabtankees waxaa leh Wasiirka arimaha Gudaha

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com