Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya oo qaabilay wafti ka socda dalka Masar.

Muqdisho, Feb 2017-Wafdi balaaran oo ka socday dalka Masar ayaa soo gaaray magaalada Muqdisho kuwaas oo shir la yeeshay Madaxweynaha cusub ee dalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullahi Farmaajo .

Wafuudaan ayaa dhambaal taageero ah waxa ay ka sideen Madaxweynaha dalka Masar Mr. Cabdul Fataax Al-Siisii kaas oo si weyn ugu hambalyeeyay madaxweyne Farmaajo iyo dhamaan shacabka Soomaaliyeed .

Wasiirka Arimaha Dibada dalka Soomaaliya Mr.Cabdi Salaam Hadliye Cumar iyo Danjire ku xigeenka Soomaaliya u fadhiya dalka Masar oo shirkaan ka hadlay ayaa waxa ay sheegeen in la isku af gartay sidii labada dal ay iskala shaqeyn lahaayeen dhanka Amniga , Ganacsiga iyo Diblomaasiyada .

Diblomaasiyiin iyo ergo ka socda dalal aad u fara badan ayaa maalmahaan dambe ku soo qul qulaya magaalada Muqdisho si ay iskaashi dhan kaste ah ula yeeshaan dowlada cusub ee uu soo dhisi doono Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo .

Daljir.com


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com