Madaxweynaha Cusub ee Hiirshabeele oo la Kulmay Danjire Micheal Keating

Madaxweynaha maamulka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa magaalada Muqdisho kulan kula yeeshay Micheal Keating oo ah Wakiilka gaarka ah ee Qaramada Midoobay arrimaha Soomaaliya.

Keating iyo Waare aya kawadda hadlay arimo ay kamid yihin sida maamulka curdanka ah ee hiirshabeele loo taageeri lahaa maadama uu yahay maamul hadda so kacaya ,wuxuna waare sheegay in uu ku faraxsanyahay in uu la kulmo danjire Keating.

dhinaca kale Madaxweynaha maamulka Hirshabeelle iyo Micheal Keating ayaa si gaar ah uga wada hadlay Talinta sharciga, Ammaanka, Kaabayaasha dhaqaalaha, bixinta adeegyo bulsho.

Micheal Keating War uu ku soo qoray Twitter-kiisa ayuu ku sheegay in Qaramada Midoobay ay sii xoojineyso taageerada ay siineyso Dowlad goboleedka Hirshabeelle, si loo gaaro hormaro la taaban karo.


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com