Madaxweyna Jubbaland oo ku wajahan magaalada Dhoobleey

Madaxweynaha maamulka Jubbland Axmed Madoobe ayaa lagu wadaa in uu gaaro magaalada Dhoobleey ee gobolka Jubbada Hoose.

Axmed Madoobe oo la filayo in safar dhinaca dhulka ah in uu ku tago Dhoobleey ayaa waxaa safarkiisa ku wehlin doona Saraakiil ka tirsan Ciidamada Dowlad Goboleedka Jubbaland iyo Xubno kale.

Ilo ku dhow dhow Madaxtooyada Jubbaland ayaa waxa ay sheegeen in markii uu Axmed Madoobe tago Magaalada Dhoobleey uu kulamo la qaadan doono Maamulka Magaalada Dhoobleey sidoo kale uu booqan doono Saldhigyada Ciidamada Jubbaland.

Wararka ayaa waxaa ay intaasi ku darayaan in Saraakiisha Ciidamada uu kala hadli doono howlgallada ka dhanka ah Ururka Al-Shabaab iyo inay adkeeyaan ammaanka deegaannada uu gacanta ku haayo Maamulka Jubbaland.

Booqashadaan uu Madaxweynaha Jubbaland ku tagayo Magaalada Dhoobleey ayaa waxaa ay kusoo aadeysaa xilli deegaanno ka tirsan Gobolka Gedo ay ka jirto xiisad u dhaxeysa Ciidamada Dowladda & kuwa Jubbaland.

 

 


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com