Madaxweyna Farmaajo oo caawa gaaray Casmara (daawo)

Madaxweyna Farmaajo oo caawa gaaray Casmara (daawo)

Madaxweynaha Dowladda Federaalka maxamed Cabdulaahi Farmaajo iyo wafdi balaaran oo uu hogaaminayo ayaa caawa 7 Fiidnimo gaaray magaaladda Casmara ee Caasimadda Eriteriya, sida uu bartiisa Twitter ku soo qoray wasiirka warfaafinta dalka Eriteriya, YemaneMeskel.

Farmaajo waxaa ku soodhaweyey garoonka diyaaradaha Casmara Madaxweyne Afwerki iyo RW Itoobiya Abiy Axmed, waxaana madaxda saddexdan dal ku ballansanyihin in shir xasaasi ah uu uga furmo isla magaaladaas Casmara.

Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa hor-kacaya dadaallo lagu xoojinayo qodobbadii ka soo baxay Madasha Iskaashiga Shiinaha iyo Afrika, isaga oo ka shaqaynaya heshiis u dhexeeya dalalka Geeska Afrika oo ku saabsan isdhexgalka dhaqaale.

Hoggaamiyeyaasha ayaa sidoo kale ka wada hadli doona, qaabkii lagu soo afjari lahaa dhammaan khilaafyada siyaasadeed iyo bulsho ee u dhexeeya dalalka Geeska si loo helo waddamo daris ah oo is-oggol, si nabad ahna u wada nool.

Soomaaliya ayaa doonaysa inay kaalin weyn ka qaadato isdhexgalka dhaqaale iyo bulsho ee Geeska Afrika, si loo dardargeliyo ganacsiga iyo maalgashiga, loona kobciyo isku xirnaanta bulshada iyo dhaqaalaha Geeska.

Soomaaliya waxa ay Beijing ku saxiixday Hindisaha Kaabayaasha Dhaqaalaha (Belt and Road Initiative) oo fududeenaya isku xirnaanta iyo horumarka dhaqaale ee waddamada qaybta ka ah.

Hoos Kadaawo Warbixin

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com