Madaxweynaha Puntland oo Khudbad u Jeediyey Ardayda Jaamacadda Maakhir Badhan (dhageyso/sawirro)

Madaxweynaha Puntland oo Khudbad u Jeediyey Ardayda Jaamacadda Maakhir Badhan (dhageyso/sawirro)

Madaxweynaha dowladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta 21 Sep 2018 khubad dheer oo muhiim ah u jeediyey ardayda Jaamacadda Maakhir ee xarunta gobolka Sanaag.

Munaasibadda oo ka qabsoontay Jaamacadda Maakhir ayaa waxa Madaxweynaha ku wehelinayey masuuliyiin ka tirsan goleyaasha dowladda Puntland, maamulka gobolka Sanaag, kan degmada Badhan, saraakiil ka tirsan Madaxtooyada dowladda Puntland, aqoonyahano, cuqaal, isimo iyo masuuliyiin kale.

Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa khudbaddiisa ugu horayn ku muujiyey inuu aad ugu faraxsan yahay inuu yimaado Badhan oo leh weji kawanaagsan kiihore ee ay lahayd safarkiisii hore, Madaxweynaha ayaa in taasi kadib faahfaahin ka bixiyey faa’iidada ay leedahay waxbarashadu.

“Qofku inuu wax bartaa Maxay Faa’iido oo ay leedahay? waxaan u kala qaadaynaa dhowr siyaabood, si shakhsiya, si qoys ah, faa’iidada ay u keento qoyska ama reerka, fa’iidada ay u keento bulshada iyo tan ay dalka u keento, faa’iidada qofka shakhsiga ay waxbarashadu u keento waa furaha ugu wanaagsan ee uu qofku helo, waxay u sahlaysaa garashada waxasan iyo waxa aan wanaagsanayn, aqoontu qofka ma siiyo hanti iyo lacag toona, ee aqoontu waa talaal qofka u sahlaysa inuu caafimaado, caafimaadkiisana waxa ka muhiimsan dad weynaha caafimaadkooda, waayo hormuud aqoonle ayuu u noqonayaa” ayuu yiri Madaxweynaha Dowladda Puntlnad Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas.

Madaxweynaha Puntlad ayaa sidoo kale si faah faahsan uga hadlay fa’iidada ay qoyska u leedahay waxbarashadu inasagoona sheegay Madaxweynuhu in qayska waxbartay uu ka nolol wanaagsan yahay 80% reerka aan waxbaran, sidoo kale Madaxweynaha ayaa ka hadlay horumarka ay u siyaadiso waxbarashadu bulshada aqoonta leh, wuxuu hoosta ka xariiqay Madaxweynuhu in bulshada aqoontale ay ka dhib yar tahay, ka denbi yar tahay, ka horumarsan tahay bulshada kale ee aan waxba aan baran.

Dhinaca kale Madaxweynaha dowladda Puntland ayaa ka hadlay khayraadka dabiiciga ah ee Alle ku manaystay dhulkeena, waxa uu sheegay Madaxweynuhu in dhulkeenu qani ku yahay macdan kasta oo jirta, isla marrkaana waxa uu ku booriyey shacabka Soomaaliyeed in laga fa’iidaysto, Madaxwenaha waxa uu xaqiijiyey in aalada casriga ah lagu gaadhi karo horumar wanaagsan oo lagula soo bixi karo khayraadkeena iyo hindiseheena shakhsiyeedba.

Madaxweynaha oo faahfaahin dheeriya ka bixinaya faa’iidooyinka aqoonta ayaa yidhi, bulshada Soomaaliyeed marka laga hadlayo tiigoolajiyadda aad ayaan ugu hoosaynaa tusaale, shakhsiga xoola dhaqatada ah ee neef xanaanaynaya muddo labo sano ah marka uu iib geeyo waxaa laga siisanayaa 50$, aan la barbar dhibno ninka sameeya qalabka Camara-da Sony ee wax duubta, waxa uu sameeyaa wakhti yar, wuxuu ka fa’iidaa wax ka badan 100$, muxuu yahay farqiga u dhexeeya? farqiga u dhexeeyaa waa aqoonta, iyada ayaa kuu suura gelinaysaa horumar wanaasan.

Ugu danbayn, Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa ka tacsiyey geerida Alle ha u naxariistee marxuun Suldaan Xasan Cali Jibril oo ku geeriyoodey magaalada hadaaftimo, Madaxweynaha ayaa Alle ‘SWC’ uga baryey marxuunka in uu denbigiisa dhaafo, Samir iyo iimaanna Alle kasiiyo qaraabadii, eheladii, xaasaskii iyo caruurtii uu ka tegey marxuunku.

Halkan kadhegayso Khudbadii Gaas oo dhamaystiran


-DHAMMAAD-

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com