Madaxwaynihii hore Xasan Sheekh oo ka hadlay socdaalkiisa Muqdisho (dhagayso + (sawiro)

Madaxwaynihii hore Xasan Sheekh oo ka hadlay socdaalkiisa Muqdisho  (dhagayso  + (sawiro)

“Waxaan u mahadcelinayaa dhammaan intii ka qeyb qaadatay soo dhaweynteyda, waan ku faraxsanahay inaan 18 bilood kadib ku soo noqday magaalada Muqdisho, waxaan u imiday inaan dalkii xog ogaal ka noqdo, inaan dadka kala war qaadano, marka aan intaas sameeyo ayaan la imaan doonaa ra’yigeyga siyaasadeed.”. Ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo warbaahinta kula hadlay Muqdisho.

 

Madaxwaynihii hore Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta gaaray magaalada Muqdisho, isagoona muddo sanad ah deganaa dalka Turkiga.

Xasan Sheekh ayaa soo dhowayn kala kulmay xildhibaano katirsan baarlamaanka Soomaaliya, wasiiro iyo shacabka qaar ka mid ah.

Imaatinkiisa ayaa waxaa dowladda ay u saartay xubno wasiiro ah.

Xasan Sheekh oo sidoo kalle ah xubin katirsan baarlamaanka Soomaaliya ayaa waxaa wararka ay sheegayaan inuu doonayo inuu dhiso xisbi siyaasadeed ay ku midaysanyihiin siyaasiyiinta mucaaradka ah, oo ay ku raadinayaan inay talada kula wareegaan doorashada xigta ee dalka sanadka 2021ka.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com