Site icon Radio Daljir

Madaxwaynihii hore Soomaali Galbeed oo markii afaraad maxkamad la horkeenay

Madaxwaynihii hore Soomaali Galbeed Cabdi Maxamuud Cumar ayaa lasoo taagay maxkmad kutaala magaalada Addisababa ee xarunta Itoobiya.

Dacwad oogayaasha ayaa sheegay in loo baahanyahay dacwad ku filan madaxwaynihii hore si xukun loogu rido, iyadoona arrintan keeni karto dacwaddiisa inay qaadato muddo dheer.

Cabdi Maxamuud ayaa loo xiray eedaymo ka dhan ah xasuuq iyo dambiyo kadhan banii’aadantinimada oo dhacay xiligii uu iska casilayay xilka.

Horay ayuu waydiistay cafis raysal wasaaraha Itoobiya Abey Axmed.

 

Exit mobile version