Site icon Radio Daljir

Madaxwayne Kuxigeenka Somaliland oo Xariga ka Jaray Biyoxireen

Madaxwayne kuixigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Saylici ayaa maanta xariga kajaray biyo xireen laga hirgaliyay duleedka waqooyi ee magaalada Hargaysa halkaasi oo xiliyada roobka ay biyo badan ay maraan.

Mahsruuca biyo xireenka ayaa waxaa maalgeliyay dowladda Imaaraatka Carabta.

Madaxwayne kuxigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Saylici ayaa uga mahadceliyay dowladda Imaaraatka Carabta oo mashruucan ku deeqday gaar ahaana hay’adda Khaliifa Bina Zaayid ee Al-nahyaan oo fulisay mashruuca.

Waxaa uu sheegay inay wax badan katari doonto baahida biyaha ee bulshada ay qabto.

Abaaraha soo noqda ee Soomaaliya ayaa waxaa sabab u ah xaalufka iyo biyaha roobka oo aan lahayn biyo xireeno lagu qabto.

 

Exit mobile version