Madaxwayne KuXigeenka Khaatumo oo sheegay in ay ka qaybgalayaan dagaalka xoreynta gobolka Sool (dhegayso)

Madaxwayne kuxigeenka Khaatumo Cabdalle Maxamuud Cali (Cagalule) ayaa shir jaraa’id uu ku qabtay magaalada Garoowe maanta waxaa uu ku sheegay in ay ka qaybgalayaan dagaalka u dhaxeeya Puntland iyo Somaliland ee Tukaraq iyo Sool oo dhan.

Cagalule oo ah madaxwaynaha Khaatumo, kadib markii uu Cali Khaliif u galay Somaliland, ayaa waxaa uu sheegay in madaxwaynaha Somaliland uu dhiig badan horay u daadiyay, hadana uu yahay dagaal doon, waxa uuna xusay in lala dagaalami doono.

Dhanka kale, madax katirsan Dowladda Faderaalka ayuu ku eedeeyey in ay taageersanyihiin kala go’a dalka, waxa uuna dhaliil kulul u soojeediyay hoggaanka dowladda.

Hoos ka dhegayso.

 


Posted

in

,

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com