Madaxwayne Gaas oo ka hadlay Jariifka xeebaha “Jariifka xeebaha waxaa soo hogaamiya dad deegaanka ah” (dhegayso)

Madaxwayne Gaas oo ka hadlay Jariifka xeebaha “Jariifka xeebaha waxaa soo hogaamiya dad deegaanka ah” (dhegayso)

Isagoo ka hadlayay munaasbad lagu furayay xarunta cusub ee wasaaradda kalluumaysiga Puntland ee magaalada Garoowe ayaa waxaa uu madaxwaynuhu sheegay in loo baahanyahay in la ilaaliyo khayraadka xeebaha deegaamada Puntland.

Waxaa uu sheegay kalluunka xeebaha Puntland inuu yahay kaydka Puntland ay leedahay marka laga yimaado xoolaha nool ee la dhaqdo iyo beeyada, waxaana uu sheegay inaanay ogolaaneen jariifka lagu hayo xeebaha Puntland.

Warar soo baxayay muddooyinkii lasoo dhaafay ayaa sheegayay inay kordheen doonyaha jariifka ah ee ruqsadda ay siiso wasaaradda kalluumaysiga Puntland, kuwaasi oo dhibaato ku ah xeebaha Puntland iyadoo dhaqaale badan oo kasoo xarooda la’ ogayn meel la geeyey, ayaa madaxwaynaha waxaa uu iska leexiyay tuhunka xukuumaddiisa ee ah inay xeebaha Puntland keenaan jariif kuwaasi oo watay qalab mamnuuc ku ah in lagu kalluumaysto, waxaana uu sheegay mar walba jariifka inay soo hogaamiyaan dad deegaanka ah, balse dowladda ay u baahantahay in lasoo marsiiyo sharciga oo dowladda lasoo maro.

Hoos kadhegayso

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com