Madaxwayne Gaas oo hoygiisa ku booqday Beeldaajiyaha Beelaha Cali Saleebaan (sawiro)

Madaxwayne Gaas oo hoygiisa ku booqday Beeldaajiyaha Beelaha Cali Saleebaan (sawiro)

Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta oo taariikhdu tahay 27 August 2018 waxaa booqasho iyo salaan ugu tegay Beeldaajiyaha Beelaha Cali Saleebaan Beeldaaje Maxamed Beeldaaje Cabdullaahi Beeldaaje Iismaaciil oo ku sugan Magaalada Garoowe ee Caasimada Dawladda Puntland.

Booqashadan uu madaxweynuhu ugu tegay Beeldaaje Maxamed Beeldaaje Cabdullaahi Beeldaaje Iismaaciil ayaa waxaa ku wehelinayey saraakiil katirsan madaxtooyada Dowladda Puntland.

Madaxweynaha ayaa kulan gaara la qabatay Beeldaajaha, kulankaas oo ahaa mid is xogwaraysi, islamrkaana madaxweynaha Dawladda Puntland uu ku dhiiri gelinayey taabagelinta nabadaynta beelaha, xoojinta dhaqanka iyo sidii loo dhowri lahaa dhaqanka bulshooyinka Puntlnad.

Ugu danbayn Madaxweynaha Dawladda Puntland ayaa maanta martiqaad qado sharafeed ah ugu samayeey qasriga madaxtooyada Dowladda Puntland ee Magaalada Garoowe Beeldaaje Maxamed Beeldaaje Cabdillaahi Beeldaaje Ismaaciil.

-DHAMMAAD-

 

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com