Site icon Radio Daljir

Madaxwayne Farmaajo “Qanyare wuxuu kaalin ka qaatay dib u heshiisiintii dalka”

Madaxwaynaha dowladda faderaalka Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa tacsi udiray ehaladii uu ka baxay marxuum Maxamed Qanyare Afrax oo wasiir, xildhibaan iyo hogaamiye kooxeed kasoo noqday dalka.

“Waxaan u tacsiyaynayaa qoyskii, qaraabadii iyo guud ahaan ummadda Soomaaliyeed ee uu ka geeriyooday Maxamed Qanyare Afrax. Marxuumku waxa uu qayb weyn ka soo qaatay dadaalladii dib u heshiisiineed ee dalka isaga oo noqday Wasiir & Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya”ayaa lagu yiri qoraal la soo dhigay barta Twitter-ka Villa Somalia.

Qanyare ayaa sanadkii 2012kii ka baxay siyaasadda, kadib markii xanuuno kalle duwan ay soo jawaheen.

Exit mobile version