Madaxwayne Farmaajo oo lagala hadlay fulinta xukunka gacan ku dhiiglihii dilay wasiir Siraaji

Madaxwayne Farmaajo oo lagala hadlay fulinta xukunka gacan ku dhiiglihii dilay wasiir Siraaji

Madaxwaynaha dowladda faderaalka ee Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa la kulmay laba gole ee xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya u matala beelaha Digil iyo Mirifle.

Kulanka oo kadhacay xarunta madaxtooyada Villa Soomaaliya ayaa looga hadlay sababaha uu madaxwaynaha uu ilaa iyo hadda uu u saxiixi la’yahay xukunka dilka ee ay riday maxkamadda ciidamada qalabka sida ee ku saabsan dilkii wasiir Casaas Siraaji oo ahaa wasiirkii howlaha guud ee dowladda faderaalka Soomaaliya.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya xukunka oo dhacay muddo shan bilood laga joogo wali loo fuli la’yahay diidmo iyo culays dowladda ka haysto beesha uu kasoo jeedo gacan ku dhiig laha dilka lagu xukumay ee dilay marxuum Cabaas Siraaji oo ahaa wasiirkii ugu da’daa ee xukuumadda ee lagu dilay Muqdisho.

“Xildhibaano gaaraya 50 Xildhibaan oo ka tirsan Labade Gole ayaa la kulmay Madaxweynaha waxaana kala shirnay caqabadaha hortaagan inuu saxiixo dil lagu fuliyo Askarigii ka dambeeyay dilka Wasiir Cabaas C/llaahi Siraaji, Wasiirkii Howlaha Guud iyo Dib u dhiska Soomaaliya, waxaa uu noo sheegay in arrintaasi uusan ilaabin meel wanaagsana ay mareyso, balse uu tix ilinayo go’aanka maxkamadana la fulin doono balse laga war sugo”ayay tiri Xaniifa Maxamed Ibraahim Xaabsade oo barteeda Facebook ku soo qortay qoraal kooban.

Dhanka kalle xildhibaanada ayaa qirtay dano qabiil inay ku hor-gudbanyihiin fulinta xukunka dilka ee maxkamadda ay riday, balse qoraalkeeda ayay ka saartay muddo kooban kadib, taasi oo loo fasirtay culays lasoo saaray.

 

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com