Madaxwayne Farmaajo oo kusii jeeda Baydhabo

Madaxwayne Farmaajo oo kusii jeeda Baydhabo

Madaxwaynaha dowladda faderaalka Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa ku wajahan magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay oo la filayo inuu gaaro saacadaha soo socda.

Ujeedka maadxwaynaha ayaa waxaa uu yahay ka qaybgalka xafladda lagu caleemo saarayo madaxwaynaha cusub ee Koonfur Galbeed Cabdicasiis Lafta-gareen.

Doorashadii kadhacday magaalada Baydhabo ayaa dad badani rumaysanyihiin inay dowladda ay ku sameysay faragalin iyadoo musharaxa ay wadatay uu ku guulaystay xilka madaxwaynaha, waxaana xiran musharaxii la tartami lahaa Mukhtaar Roowbow oo horay Al-shabaab xilal uga soo qabtay kahor intii aanu kasoo goosan.

Ammaanka Baydhabo ayaa siwayn loo adkeeyey , waxaana gaaray ciidamo katirsan madaxtooyada Soomaaliya iyo AMISOM.

 

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com