Madaxwayne Farmaajo oo ku sii jeeda wadanka Imaaraatka Carabta

Madaxwayne Farmaajo oo ku sii jeeda wadanka Imaaraatka Carabta

Madaxwaynaha dowladda faderaalka ee Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa la filayaa inuu u socdaalo wadanka Isutagga Imaaraaka Carabta.

Booqashada madaxwaynaha ayaa wararku ay sheegayaan inay la xiriirto arimaha xiriirka labada dal iyo siyaasadda gaar ahaana xiisaddii Khaliijka ee saamaynta ku yeelatay siyaasadda Soomaaliya, kadib markii ay ku kala aragti duwanaadeen madaxda dowlada faderaalka iyo dowlad goboleedyada.

Dowladda Imaaraatka Carabta ayaa sidoo kale la rumaysanyahay inay soo faraglisay doorashooyinkii kal hore kadhacay Soomaaliya ee madaxtinimo iyo midda haatan ee Somaliland.

Madaxwaynaha ayaa la filayaa maanta ama beri inuu u dhoofo wadanka Imaaraatka Carabta, lamana oga waxa kasoo bixi kara booqashadiisa.

 

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 1
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com