Madaxwayne Farmaajo oo gaaray caasimadda Itoobiya ee Addis ababa (dhegayso)

Madaxwayne Farmaajo oo gaaray caasimadda Itoobiya ee Addis ababa (dhegayso)

Madaxwaynaha Dowladda Faderaalka ee Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa gaaray caasimadda Itoobiya ee Addisababa.

Waxaa uu ka qaybgalayaa shirka arimaha IGAD ee lagu soo qaadayo colaadda Koonfurta Suudaan.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo diblumaasiyiinta Soomaaliyeed ee ku wehelinaya shirkan ayaa hor dhigi doona Madaxda dalalka IGAD, aragtida Dowladda Federaalka Soomaaliya ee ku saleysan in la xoojiyo nabad galyada Gobolka, lana soo afjaro dhammaan colaadaha sokeeyo, iyadoona loo marayo is-qancin, isu-tanaasul iyo wada xaajood, si looga gudbo caqabadaha dib-u-dhigay horumarka Qaaradda Afrika.

Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa qeyb ka ahayd dadaalladii diblumaasiyadeed ee lagu wajahayey colaaddii sokeeye ee ka qaraxday dalkaas dabayaaqadii 2013kii, tan iyo wakhtigaasna Soomaaliya waxa ay kaalin muuqata ka qaadaneysay qorshayaasha iyo shirarka ku saabsan xal u helista dhibaatooyinka dib u dhigay hor-u-socodka Suudaanta Koonfureed.

Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyada Soomaliya Cabdi Nuur Maxamed Axmed ayaa sharaxay ka qaybgalka dowladda ee shirka Addisababa.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com