Madaxwayne Farmaajo oo dhexdhexaadin ka bilaabay madaxda is-khilaafsan ee Galmudug

Madaxwayne Farmaajo oo dhexdhexaadin ka bilaabay madaxda is-khilaafsan ee Galmudug

Madaxwaynaha Dowladda Faderaalka ah ee Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa dhexdhexaadin ka bilaabay khilaafka siyaasadeed ee madaxda Galmudug.

Khilaafkan ayaa waxaa uu yimid kadib heshiiskii ay ku midoobeen Galmudug iyo Ahlu Suna Waljaamaca, wyn kasoo horjeestay heshiiska madaxwayne kuxigeenka iyo guddoomiyaha baarlamaanka Galmudug.

Madaxwayne Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa madaxda kula kulmay madaxtooyada Villa Soomaaliya, waxaana goob joog ka ahaa madaxwaynaha Galmudug Axmed Geelle Xaaf, guddoomiyaha baarlamaanka Galmudug iyo madaxwayne kuxigeenka maamulka.

Wararka ayaa sheegaya kulanka hordhiciisa in la isla meeleeyey khilaafka in laga gudbo, laguna dhameeyo qaab wada hadal ah.

 

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com