Madaxwayne Farmaajo iyo guddiyo kasocda baarlamaanka is-khilaafsan oo kulmay

Madaxwayne Farmaajo iyo guddiyo kasocda baarlamaanka is-khilaafsan oo kulmay

Madaxwaynaha Dowladda Faderaalka Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa xalay xafiiskiisa madaxtooyada Villa Soomaaliya kula kulmay guddiyo katirsan dhinacyada iska soo horjeeda ee baarlamaanka Soomaaliya.

Guddiyada ayaa madaxwaynaha usoo gudbiyay sida lagu xalin karro khilaafka ragaadiyay baarlamaanka Soomaaliya, wararka aanu ka helayno ilo ku dhow kulanka ayaa sheegaya in madaxwaynaha ay usoo jeediyeen xildhibaanada taageersan guddoomiye Jawaari in cod qarsoodi ah loo qaado mowshinka oo la qabto ama in la muujiyo tanaasul, si howlaha dowladda ee hakadka kujira loo sii wado.

Maalmihii lasoo dhaafay magaalada Muqdisho ayaa waxaa ka aloosanaa khilaaf ragaadiyay xukuumadda faderaalka Soomaaliya, taasi oo saamayn ku yeelatay hay’adaha kalle duwan ee xukuumadda, waxaana lagu guul daraystay kulamo laga yeelan lahaa mowshinka ka dhanka ah guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari.

 

 

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 1
  • Farmaajo: ku jir weligaa AMA ebedkaa Gudiyada is khilaafsan ogow dib baanu u soconaynaa marna ha sugin horu socod AMA horu kac

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com