Madaxwayne Farmaajo: “Dowlad Goboleedyadu waxaa ay ku fashilmeen shaqadoodii bulshada”

Madaxwaynaha Dowladda Faderaalka Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa weerar afka ah ku qaaday hogaamiyeyaasha dowlad goboleedyada oo ku midooway Golaha Iskaashiga Dowlad Goboleedyada, isagoona sheegay inay yihiin kuwa ku fashilmay shaqadii loo igmaday oo ahayd adeegyada bulshada sida caafimaadka, waxbarashada iyo uruurinta canshuurha oo la gaarsiiyo bulshada deegaamada ay maamulaan.

Farmaajo ayaa ku eedeeyey madaxwaynayaasha dowlad goboleedyada inay doonayaan siyaasadda arrimaha dibadda iyo la kulanka masuuliyiinta Beesha Caalamka, sidiisa oo kalle.

Hadalkan ayaa waxaa uu ka jeediyay xaflad soo dhowayn ah oo jaliyadaha Soomaaliyeed ee ku sugan dalka Koonfurta Suudaan Caasimaddiisa Jubba.

Hoos kadhegayso

 

Madaxwaynayaasha dowlad goboleedyada iyo dowladda dhexe masuuliyiinteeda khilaafka ka dhaxeeya ayaa sababay xisbi siyaasadeed oo ay ku dhawaaqeen golaha iskaashiga, taasi oo dad badan ay ku fasireen rabitaanka maadxwaynayaasha dowlad goboleedyada inuu yahay mid dano gaar ah ku salaysan oo uu ahayn mid bulshada ay matalaan.

 


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com