Madaxwaynayayaasha dowlad goboleedyada oo hortagaya baarlamaanka

Madaxwaynayayaasha dowlad goboleedyada oo hortagaya baarlamaanka

Madaxwaynayaasha dowlad goboleedyada ayaa maanta hortagaya golaha aqalka sare ee baarlamaanka Soomaaliya oo maanta kulan ku yeelanaya magaalada Muqdisho.

Madaxwaynayaasha Puntland, Jubaland, Galmudug, Koonfur Galbeed Soomaaliya iyo Hirshabelle ayaa la filayaa inay khudbad u jeediyaan xubnaha aqalka sida radio Daljir ay u xaqiijiyeen xubno ku dhow aqal sare.

Wafudda madaxda dowlad goboleedyada ay hogaaminayaan ayaa magaalada Muqdisho uga qaybgalay shirkii wadatashiga ahaa ee shalay lasoo gabagabeeyey.

Dastuurka Soomaaliya ayaa qeexaya aqalka sare inay yihiin kuwa matala dowlad goboleedyada, islamar ahaantaana dib u eegaan shuruucda iyo mashaariicda dalka ee khusaysa dowlad goboleedyada.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com