Madaxwaynayaasha Puntland iyo Jubbaland oo ku kulmay magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Nairobi, June, 07 – ?Waxaa maanta kulan ku yeeshay magaalada Nairobi Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr Cabdiraxman Maxamad Maxamud (Faroole) iyo Madaxweynaha cusub ee dhowaan loo doortay Jubaland Sheikh Axmed Maxamad Islam (Axmed Madobe) wuxuuna kulankaasi saakay ka dhacay hotelka uu Madaxweyne Faroole ka degan yahay magaalada Nairobi.

Kulankaasi waxaa goob joog ka ahaa Wasiirka Arrimaha Gudaha Puntland Gen. Cabdullahi Axmed Jamac (Ilkajir), Rai’sul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Dr Cumar Cabdirashid Cali Sharmake, Wasiirkii hore ee Gaashaandhigga Dowladda Federaalka Soomaaliya Prof. Maxamad Cabdi Gaandi, Gudoomiyaha Ururka Ahlu Sunna Wal Jameeca Shiikh Maxamad Maxamud Yusuf (Aw Libaax), iyo mas’uuliyiin kale.

Waa markii ugu horeysay uu Madaxweyne Farole la kulmo Shiikh Axmed Madobe tan iyo intii loo doortay Madaxweynaha ee Jubaland State, May 15, 2013, oo ay doorteen Ergadii Shirkii Jubaland oo ka socday magaalada Kismayo tan iyo 2012-kii.

Xafiiska Saxaafadda ee Madaxtooyadda Puntland

Nairobi, June 7, 2013

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com