Madaxwaynayaasha Jabuuti iyo Eriteriya oo toban sano kadib ishorfariistay

Madaxwyanayaasha dalalka Jabuuti iyo Eriteriya ayaa toban sano kadib kulan fool ka fool ah yeeshay, kadib labada dowladood oo heshiis ka gaaray colaaddii ka dhaxaysay.

Labada madaxwayne Ismaaciil Cumar Geelle iyo Asias Afawarki ayaa kulamo ku yeeshay magaalada Jedah ee boqortooyada Sacuudi Carabiya.

Boqorka dalka Sacuudi Cabdala Boqor Cabdalla Binu Cabdul Casiis ayaa kulanka soo qabanqaabiyay labada hogaamiye.

Isbadalo ayaa kasocda Bariga Afrika, iyadoo gudaha Soomaaliyana ay ka jiraan khilaafaad aan dhamayn lahayn oo ka dhaxeeya siyaasiyiinteeda oo aan la ogayn waxa salka uu ku hayo.

 


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com