Madaxwaynayaasha dowlad goboleedyada oo kuwajahan Muqdisho

Madaxwaynayaasha dowlad goboleedyada oo kuwajahan Muqdisho

Waxaa kasocda magaalada Muqdisho diyaar garow kusaabsan kulan ay yeelan doonaan madaxda dowladda faderaalka Soomaaliya iyo dowlad goboleedyada dalka.

Kulankan ayaa waxaa uu qayb ka yahay shirarkii wadatashiga ee bilihii lasoo dhaafay usocday ee diiradda saarayay arimaha siyaasadda iyo ammaanka.

Madaxwaynayaasha Puntland, Jubaland, Galmudug, Hirshabelle iyo Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa la filayaa inay shirkan kasoo qaybgalaan.

Madaxda dowladda faderaalka iyo dowlad goboleedyada ayaa shirarkii hore ay yeesheen waxaa ay uga hadleen qorshe lagu dhisayo ciidamo isku dhaf ah oo ay dowladda ay yeelato, kuwaasi oo ka imaanaya dowlad goboleedyada.

Maamulada faderaalka ayaana horay dowladda ugu wareejiyay ciidamadaasi.

 

 

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com